home > about us
About Us
Ururka dhalinyarada Gobolka Awdal [Awdal Youth Foundation], waa urur samafal waxaana la aasaasay bishii May 2006, waxana loo aasaasay inuu ka qaybqaato waxqabadka iyo horumarinta Gobolka.
Ururku waxuu u taaganyahay horrumarinta iyo danta guud ee gobolka Awdal. Ururku tan iyo aasaaskii waxuu si joogta ah u caawiyaa ardayda gobolka awdal ee wax ka barata wadanka suudaan, wuxuna ka caawiyaa bixinta kirada guriga ay daganyihiin.
Xubnaha ururku waxay ku kala noolyihiin wadama yurub iyo maraykan waxayna ka shaqaynayaan sidii ururka loo balaadhinlahaa wax qabad intan ka badana uu u qaban lahaa, ugana caawinlahaa baahiyaha kala duwan ee gobolka hadba wixii awoodiisa ah.
Xubinimada uruku waxay u furantahay dhalinyarada gobolka awdal ee rabta inay waxqabad hufan oo fiican u qabtaan dadkoodii, dhawrayana xeerarka iyo nidaamka ururka.
Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan, waxqabad hufan oo qorshaysan waa astaanteena.